1 min read

Maraykanka oo sheegay in in duqayn uu ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ee ka tirsan  Hawlgalka Afrikom ee Afrika  qaaday duqayn cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo ka Falcelinayay weerar Alshabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsanaa dowladda oo ku sugnaa deegaanka Libikus oo katirsan gobolka  Jubbada hoose.

Taliska Maraykanka ee Afrika oo war qoraal ah soo saaray, ayaa sheegay, in ciidamada Maraykanka loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada huwanta ah ee Soomaaliya.

Howlgalka AFRICOM wuxuu sheegay in laba xubnood oo k tirsan Al-Shabaab lagu dilay hawlgal duqaynta ah, iyo in aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay duqayntaas.

Dawlada Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday tillaabooyin waa weyn oo looga hortagayo khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaara weerarada ayaa lagu qoraalk ka soo baxay Talisla Afrikom.

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa sheegay inay weli ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah .