1 min read

Booliska Degmada Waaberi oo gacanta ku soo dhigay laba eedeysane oo falal dhac ah ku guda jiray.

Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waabari ayaa howlgal ay sameyeen kadib  gacanta ku dhigay labo eedaysane oo dhac ka gaysanayey Gudaha degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir.

Eedaysanayaasha ayaa mid kamid ah wuxuu ku hubaysnaa bastoolad Caag ah oo uu dadka ku dhacayay, halka kan kalana uu ahaa darawalka Mooto Bajaajka wax lagu dhacayay.

Taliska Qeybta guud ayaa sheegay in eedeysanayaasha la horgeynayo caddaaladda lana marsiinayo waxa sharcigu dhigayo si shacabka kunool Gobolkan Banaadir nabad ugu naaloodaan.

Dadka kunool Magaalada muqdisho ayaa mararka qaar la kulma burcad hubeysan oo dhacaya mararka qaarna dilaya, haba ugu darnaatee degmooyinka, Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hiliwaa.