3 mins read

Adiguna Todobadaan iska jir.

1. Muhimaddu ma ahan Kubbaddaan Calaamadda ku sawiran, ee waa in aad ku dhiirato in aad Laad ku kici karto Halka uu ku Qoran yahay Towxiidku.
Adiga oo sidaa u og. Ma darbeey leheyd? . Aniga Maya, waan Cabsaa. (F.S:1aad)

2. Waxaan Af-Furineynaa Muslimiinta Dan yarta ah, waxaan sineynaa Buskutkaan.
Ajar Alla ha kaa siiyo in aad Af- Furisay Masaakiinta. Iskana hubbi waxa aad ku Af-furiee.( F.S:2aad)

3. Ma xumo in Hayadaha Somaliya ka shaqeeyo aad Shaqo ka raadsato. Laakin iska hubi Shuruudaha Shaqo. Badanaa waxaa lagu hoos qariyaa Doorka aad ka qaadanee Qowmu luudnimada iyo kuwa la mid ka ah iyo Haddii loo baahdo in aad difaacdo Fikirkaa, oo aad tusto Qofka in ay caadi tahay Owmu luudnimadu, Qofkuna uu Xur u yahay haddii uu doono shakhsiyan ( F.S: 3aad)

4. Dr. Foster iyo kuwa kale oo Xilal Sare hayo ayaa qabo in Caruurta oo dhan aan magac la siinin, ee la siiyo Number, illaa ay ka gaaraan Da’da ay ku go’aansan karaan Lab, dhidig, Qowmu luud iyo kuwa la jinsi bedelo waxa ey noqonayaan.
Haddii Mid Lab aad Cali u bixiso taasi ma ahan isaga khiyaarkiisa, hadduu weynaado oo uu dhidig iska dhigo magacaana uu naco soow in laga bedelo ma ahan.

Annaga dhalaanka Horaa looga waqlalaa, Xatta hadduu dhinto saacad kadib waa in loo waqlalaa”Wan qalaa”. Haddiiba uu dhameysnaa uuna neefsaday. Madaahibta qaar waa sunno, qaarna waa waajib ama Suni mu’akad ah. (F.S:4aad)

5. Walaaluhu ma is guursan karaan? Maya.
Hore waxaan u ogaa iyada oo wadanka Jarmalka la isku heeysto. Hadda Maxkamad Sare oo Mareykanka ku taal ayaa Ansixisay in laba walaalo ah ay is guursan karaan. Geeridii Galbeed laga sheego Gondahaaga ka day.
Amaanba uga horeeynay Mareykanka. Wiil iyo gabar Soomaaliya oo walaalo ah lana hubiyay DNA-gooda ayaa is jeclaaday oo waalidkood u sheegay in ey rabaan in la isku guuriyo. Waalidkii aad iyo aad ayuu u carooday. waalidka oo ahaa Siyaasi Somali ah Hantina lahaa ayaa u kala dhoofiyay Laba Dal si uu u kala fogeeyo halkaa ayuuna ku kala Biili jiray. Markii Dambe waa isku soo dhuunteen, Dal kale ayeyna ku dhigteen xaflad Aroos, weeyna ku Aqal galeen oo hadda waa Xaas. ( Ma rabo in aan sheego magaca si ayna u qalbi jabin waalidka iyo walaalahooda kale. Adiguna haddii aad taqaan ha sheegin.(F.S: 5aad)

6. Haddii aad kabo iibsaneeysid si fiican isaga fiiri.( F.S: 6-11aad)

7. Sawirada la xiriiro No. 7aad ma jecleyn in aan kula wadaago, laakin in laguu qariyana ma rabo. In Kastuumooyin ” Nigisyo” lagu Qoro Magaca Alle. Hore ayeey u dhacday in Haween ku labisnaa iyo Muslimiin kale ayaa isku garaaceen Xeeb lagu dabaalanayay. Iska fiiri Kastuumada iyo Jiiniska aad iibsanee. (F.S: 12-15aad)

Ka Raali ahaaw sawirada qaar waxaan ugu soo daray in aan wax Aadan ogeyn laguu hoos galin.

Saxuur wanaagsan

FG: Wixii aan ka khalday ka sax, Wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir