1 min read

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana soo dhoweeyay dhiggiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Labada Wasiir Difaac ee Jamhuuriyadaha Soomaaliya & Jabuuti ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya & ciidamada dalkaas ka socda ee ku howlgala Magaca Midowga Afrika ee ATMIS iyaga oo fasax ka heysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Burhaan la wadaagay howlgallada ka socda Gobollada Dalka ee ‘AS’ looga qabsaday magaalooyin muhiim ah.

Wafdiga la socday Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti oo qayb ay ka ahaayeen Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalkaas ayaa la kulmay xubnaha la socday Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Soomaaliya u ballanqaadday in garab istaag buuxa u muujineyso, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dabayaaqadkii December 2022 Muqdisho ayaa taageeray howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.