1 min read

Xisbiga WADDANI Oo Wada-hadallo Toos Ah La Furay 4 Urur Siyaasadeed.

Xisbiga WADDANI ayaa wadahadallo toos ah waxa uu maanta la furay qaar ka mid ah ururradii aan ku soo bixin waajigii saddexaad ee doorashadii ururrada siyaasada Somaliland.

Ururradan iyo guddi uu xisbiga WADDANI u magacaabay wada-hadallada ururrada ayaa maanta kulamkoodii kowaad ku yeeshay hudheel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Ururada uu la kulamay xisbiga WADDANI waxa ay kala ahaayeen:

1. Ururka Ubax

2. Ururka Daljir

3. Ururka Iftin

4. Ururka Galool