6 mins read

Somaliyeey Dahabkaagi waa dayacmay!!!

Intii aan Cilmi baaristaan sameynayay, Dadka Xog ogaalka ah Qaarkood, waxaa iiga muuqday Cabsi farabadan.

Taariikh tirtirmee ” Milxo”

Punt land, “Buuraha Xasow” oo u eg Ahraamtii Masaarida waxaa ku hardhan Taariikh fac weyn ,oo iyadana uu ku socto burbur xoog leh. Waxa ey aheyd in Taariikhdaa laga diiwaan galiyo Hayadda Caalamiga ah ee UNESCO, si loo badbaadiyo bacdamaa ey tahay Taariikh heer Somali iyo heer Caalami ah. ( F.S: 1-7aad )

Taariikhda kale ee la helay waxaa ka mid ah, Qalab Dahabka lagu qodi jiray Boqolaal Sano isticmaarkii Reer galbeedka ka hor, Qalabkaa oo lagu farsameeyay Dalka Shiinaha, Dadkii deeganka qaar ayaa kala shaqey jiray Dahab qodotada, dhoofinta Dahabka oo Doomo loo isticmaali jiray, waana taa sababta keentay in Dadka deegaanka Warsangaligu u bataan Badmaaxiin.

Milxo

Punt land, Milxo, waa xarun hadda Dahabka laga qodo oo u dhaw Magaalada Laas Qoray ee Gobalka Sanaag, waxa ey ku taal salka Buuraha Caalmadoow, waxa eyna 15km u jirtaa Badda Cas.

Marxalado kala duwan ayeey soo martay Dahab qodidu, sida iyada oo la isticmaalyo Saacadaha “Gold Detector”, ee lagu ogaado halka Dahabku ku jiro. iyada oo Carrada la shaq shaqayo oo Haweenka iyo Caruurtu u badnaayeen shaqadaa iyo hadda oo Maalgaliyayaal Gudaha iyo Dibaddu ey ka soo qeyb galeen lana keenay, Cagaf cagafyo Wiishash iyo Mashiino lagu sifeeyo Dahabka.( F.S: 8- 21aad)

Waxaa ka shaqeysto Somali oo dhan oo aan la kala soocin. Mana jiro Maamul Dowladeed dhulkaa ka taliyo, waxaa awood ku leh Saldanadda Beesha Warsangeli.laakin, Deegaanka hoose Buurta Caalmadow waxaa ka taliyo Ururka Al shabaab.

Godadka qaar waxaa Sanadkii laga soo saaraa Dahab qiimihiida lagu qiyaasay 6,200,000 Dollar. ( F.S: 22aad)

Waxaa kale oo jiro Qalabka sheegayo Meesha Dahab ku jiro iyo tiradiisa, in Dad badani ey ka soo gateen Dalalka Dibadda gaar ahaan Dalka Mareykanka, kaa oo Dalka Somaliya oo dhan ku fiday, meel kastana wax looga baarayo, Qalabkaa yar ee lagaa soo iibiyay waxa uu ku xiran yahay Satellite, waxaad arkee isaga oo hal mar kaa damay, wixii macluumaad Dahab ah ee kuugu jirayna waa kaa tirmaayaan, waxaa lagala socdaa xarunta shirkadii sameysay Qalabkaan, haddii uu muujiyo meel Dahab badani ku jiro, waa lagaa Formate gareynaa, iyaga ayaana keydasanayo macluumaadkii lagaa xaday ee keydka Dahabka Dalkaaga.

Sida Dadka deegaanka qaar ey sheegayaan degmada Caluula waxaa gaaray, Wafdi uu hogaminayo Sirdoonka UAE iyaga oo iska dhigayay Samafalayaal iyo tababarayaal Ciidanka Badda punt land , waxaa la leeyahay waxaa la socday khubaro Israel ah oo ka socday Machadka caanka ah ee “international Diamond Laboratory” EDL, waxaana la qorsheynayay in Warshad laga dhiso meel 30km u jirto Magaalada Caluula dhinaca Barri ,si ey u soo saarto Macdan naadir ku ah Aduunka Macdantaa oo ey isticmaalaan Shirkadaha Technology-ada Casriga ah iyo kuwa Dayax gacmeedyadu.

Markii ey is ku fahmi waayeen Isimmada punt land iyo maamulka punt land qandraasyada shirkdaha, ayaa Maamulka punt land ka codsaday Dowladda dhexe ee Somaliya in ey soo faragaliso sidii ey u heshiisiin laheyd Maamulka punt land iyo Isimmadiisa. kadibna Isimmadii ayaa laga wacay Mogadishu, in kasta oo ey suura gal tahay in Sababa kalena ey u yimaadeen. Dhinaca kale UAE oo arrintaan ka war heshay in Somalidu ey dhaxdeeda ka heshiinee, ayaa Isimmadii iyo Salaadiintii qaar toos ugu casuuntay Imaaraadka. Kadibna waxaa xigay shirar loo qabanayo Beelaha si ey u taageeraan, Horena Wafdi UAE ayaa tagay Qardho iyo Badhan ,18 June 2018..( F.S: 23-25aad)

Waxaana xigay, Dayaarado waaweyn oo Gaadiid qafilan wado oo si joogta ah uga soo degayay Bosaasso.( F.S: 26aad)

Culimadda Masjidka Rowda ee Magaalada Boosaaso ayaa ka digay fargalinta UAE iyo Israel, iyaga oo sheegay in ey dhici karto in punt land laga abuuro xaalad qabiil-qabiil la isku dilo eyna mari doonaan wadadii Yaman.

Arrintu waxa ey sii xumaatay markii suuqa ey soo galeen warar sheegayo in Dekadda Garacad, Ganacsatada dib looga soo iibinyaa 50% saamiyadooda oo UAE ey la wareegeyso, iyo markii Maamulka Al- Shababa uu yiri: waxaa laga iibinaa Ethiopea mana ogolin, taa oo ka sii dartay xaaladda cakirneed.

Khatarta

Khatarta Bulsho ee ku soo badatay Deegaanka Milxo waxaa ka mid ah: Maandooriyayaal, Khamri, iyada oo ey u sii dheertahay Dhuxul badan oo laga shido deegaanka iyo Sun kiimiko ah oo ka dhalatay Godadka la qodayo.

Macdanadaa kale ee deegaanka waxaa ka mid ah: Strontium chemical element, calaamadiisu tahay Sr, Atomic numbarkiisuna yahay 38 oo khatar ah, waxa kale oo jiro Alkaline metal, Calcium iyo Barium.

Sunta iyo Shucaaca dhagxaha qaar ayaa la ogaaday in ey yihiin khatar, Dadka Dahab Doonka ah ayaa Dhagxaanta kale burburiyo oo banaanka isaga tuuro, khatartu waxa ey sii badanee marka Roobku ku da’o dhagxaata leh Shucaaca Sunta ah oo ey raacaan Togaga Biyaha waxa eyna ku shubaan ilaa Badda, waxaana la arkay saameeynta Sunta ee Noolaha Bad iyo Berriba.( F.S: 27& 28aad)

Waxaa iyana kharataa oo kale leh qaar ka mid ah Macdanta Qaraxa laga sameeyo ee laga helay xariiqa toosan ee isku xiro Magaalada barawe illaa Baydhabo oo Ajaanib kale ey sahansadeen.

Khayraadka Alla ku siiyay haddii aadan dhaqaala ahaan uga faa’iideysan. Dad kale ayaa ka faa’iideysanayo, Adiguna Sun iyo Silic ku noolaasho ayaa qeyb ahaan kuu soo gaarayo.

Cudur daar

Wakhtiga oo igu yaraay, iyo xog ururinta Cilmi baariseed oo u baahneyd wakhti dheer, iima suura galin in aan soo dhameystiro. Dhinaca kale Saaxiibadda FB oo aan akhriska badan jecleeyn aawgeed inta aan soo ururiyay halkan kuma soo wada qori karo.

FG: Fadlan, wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar, Mahadsanid.

Qore: Yahya Amir