1 min read

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda oo soo dhaweeyay wakiilka cusub ee Midowga Afrika

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wakiilka cusub ee Midowga Afrika, H.E. Amb. Mohammed El-Amine Souef, oo Sabtidii shalay soo gaaray.

Wasiir ku-xigeenka ayaa ugu hambalyeeyay wakiilka cusub xilka loo magacaabay ee ah Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga (SRCC) iyo Madaxa Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), isagoona u rajeeyay guul muddada uu xafiiska joogo.

H.E. Isaaq Mursal, ayaa isagoo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya u jooga in ay naftooda u huraan horumarinta amniga iyo dhiira-gelinta ciidamada qaranka oo dagaal kula jira kooxda Khawaarijta Al-shabaab

Wasiir ku xigeenka iyo wakiilka, ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab loo baahan yahay in la sii labo jibaaro, islamarkaana la dardar geliyo sidii guud ahaan dalka looga xoreyn lahaa, taas oo muhiim u ah nabadeynta iyo xasiloonida Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa, dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa xoojisay howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda dalka, kaas oo hadda meelo badan oo dalka ah laga xoreeyay.