1 min read

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabay in uu adeegsan doono hubka Nukliyeerka

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa wacad ku maray in jawaabta Pyongyang ay noqon doonto mid adag oo ay u adeegsato bamka Nukliyeerka haddii dalkiisa la weeraro, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi maanta.

Kim oo la hadlayay Warbaahinta dalkiisa ayaa yiri: “ Waxaan uga jawaabi doonaa daandaansi kasta oo nagula sameeyo hubka Nukliyeerka iyo weerar celin aan naxariis lahayn”

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, ayaa hadalkiisa ku daray in haddii Maraykanka uu sii wado hanjabaadaha ka dhanka ah dalkiisa uu uga jawaabi doono hubka halista badan ee Nukliyeerka.

Kim Jong Un, ayaa sidokale kormeeray goobaha ay yallaan Gantaallada halista ah ee Kuuriyada Waqooyi, waxana la sheegay inuu amarro dul dhigay sarakiisha Ciidamada dalkiisa.

dahnka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si adag u dhaleeceeyay Kuuriyada Waqooyi ridistii Gantaallada ballistic-ga, isaga oo ku celceliyay baaqiisii ​​ahaa in Pyongyang ay joojiso tallaabo kasta oo kicin karta dagaal.

Guterres, ayaa ugu baaqay Kuuriyada Waqooyi inay u hoggaansanto qaraarada Golaha Ammaanka ee mamnuucaya adeegsiga hubka Nukliyeerka.