1 min read

Xuska Maalinta Tirakoobka Afrika Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh faarax (Beenebeene), ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb-galay Xuska Munaasabada Maalinta Istaatistikada Afrika oo lagu qabtay Hotel Decale.

Munaasabadan oo ay soo qabanqaabisay Hey’adda Istaatistikada Qaranka, waxaa sanadkaan hal-kudhig looga dhigay “Xoojinta nidaamyada xogta, iyadoo la casriyeynaayo wax soo saarka iyo adeegsiga Istaatistikada Beeraha.

Wasiir Maxamuud oo Munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in ay maanta oo kale macno weyn u leedahay Ummadda Soomaliyeed, loona baahanyahay in la ogaado ahmiyadda istaatistikada xogta oo door weyn ka qaadan karta in la daboolo baahiyaha dalka ka jira.

Wasiirku wuxuu bogaadiyay dadaallada ay sameeyeen Hay’adda Istaatiskada Qaranka, sidoo kalana xusay in muddooyinkii dambe wax badan laga qabtay isticmaalka xogaha ee go’aan qaadashada, lana helay caddaymo ku salleysan, oo door weyn ka qaadan kara in la gaaro istaraatiijiyadaha horumarinta qaranka, SDGs iyo horumarinta Ganacsiga, Beeraha iyo maalgashiga dalka.

Wasiir Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa geba-gabadii sidoo kale carrabka ku dhuftay in Beeruhu ay yihiin wax soo saarka kaliya ee Soomaaliya, sidoo kalana ay ahmiyad weyn leedahay xogaha, si loo helo xog dhammaystiran oo laga go’aan qaadan karo Iyo in la gaaro Isku filnaasho cunto.