1 min read

Shir Muqdisho uga furmay dowladda federaalka iyo Bankiga Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta Muqdisho furay shirka hannaanka wadashaqeynta ee u dhexeeya dowladda fedraalka Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Xamza ayaa kulanka ku soo bandhigtay siyaasadda ku aadaan dib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga cusub ee nabadda, degenaanshaha iyo dimuqraadiyadda ku asteysan.

“Soomaaliya waxay maanta taagan tahay marxalad kalaguur ah oo taariikhdeeda ku suntan. Dalkuna wuxuu ka soo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay’ oo dagaallo sokeeyey hareeyeen, wuxuuna hiigsanayaa waa cusub oo nabad, degenaansho iyo dimuqraadiyad ku asteysan, kaas oo diyaar u ah in uu soo jiito maalgashi ballaaran,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Bangiga Adduunka uga mahad celiyay taageerada hagar la’aaneed ee gaar ahaan geeddi-socodka dhammeysirka deyn cafinta oo sabab u ahaa fududeynta iyo taabbagelinta isbeddelka.

Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyey wadday isbeddello dhinaca dhaqaalaha iyo maamulka hay’adaha maaliyadda ah oo uu kor joogteynayo Bankiga Adduunka, si Soomaaliya looga cafiyo deyta lagu leeyahay oo aheyd $5.3 bilyan kahor inta aanay dalal dhowr ah u saamixin.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga adduunka ayaa 14-kii Febraayo 2020 ku dhowaaqay inay Soomaaliya u qalanto in daymaha lagu leeyahay laga khafiifiyo, waxayna soo gaartay marxaladda dhameystirka, oo haddii ka gudubto si rasmi ah deynta looga cafinayo.