3 mins read

Amb. James Swan kadib???!!!??? Yaahu

Ar Somaliyaa, Kud ka guur ee Qanje u guur ahaa. Ninka Somaliya ka noqonayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Jamciyada Quruumuha, Awoodiisa iyo Tixgalinta Go’aanadiisu waxa ey ku xiran tahay Wadanka uu ka soo jeedo. Inta uuna magacaabin Xoghayaha Guud waxa uu la tashadaa 5ta Dowladood oo Veto-da leh iyo Deeq bixiyayaasha kale, waxaa kale oo la tixgaliyaa Wadanka loo dirayo Dowladiisa, haddii ey Mooge ka tahayna waa loo soo magacaabaa.

Hadaba ayaa Somaliya loo soo wadaa?

Hor dhac.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Ingriiska Mr. James Heappey ayaa sheegay in Dowladiisu ey Ciidamadeeda kala bexeeyso Dalka Mali, kuwaa oo ahaa 300 Asgari.

Dowladda Mali ayaa tiri: Ciidamadaan Ajnabiga ahi ma rabaan in ey wax qabtaan, Dalka Mali waxaa intiisa badan Gacanta ku hayo kooxo Muslimiin Jihaadistaa ah. Dowladihii Reer Galbeedku waxa ey ka caroodeen markii Dowladda Mali ey u yeeratay calooshood u shaqeeystayaal Ruush ah oo laga soo kireystay Shirkadda “Wanger Group” kuwaa oo ku fidiyo Galbeedka Africa. Hore ayaa Faransiisku u yiri: waxaan la baxayaa Ciidamadeyda oo ahaa 5500 Asgri oo la dagaalamayay Muslimiinta waqooyiga.

Waxaa na loo soo wadaa:

Sida aan xog uga helay, Saaxiibadey, Ardaydeydii hore qaar joogo Xarunta UN ee New York iyo Qoraalo aan Akhriyay. Qofka na loo soo wado Waa Mr. El Chassim Wane oo u dhashay Dalka Mauritania. Waxaa wato oo gadaal ka riixayo Dowladda Faransiiska. Waxaa la cadeeyay in uu ku Fashilmay Howlgalkii Dalka Mali oo uu ka ahaa SRSG iyo ” Head of the United Nations Multidimensional Integrated Stabilization Mission in Mali”. ( F.S: 1aad)

Waxaa hadda xirmayo xafiisyadii UN ee Mali, shaqaalihii halkaa joogay oo dhami waxa ey u soo shaqa tagayaan Somaliya.

Waxaa ugu Horeeyo Mr. El Chassim oo Faransiisku wataan iyaga oo Rabto in Dad ka socdo Wadamada ku hadlo Afka Faransiisku ey ku bataan Africa. Arrintaa waxaa diidan Wadamada Mareykanka, Ingriiska iyo Kanada oo iyagu ku hadlo Afka ingriiska.

Hore Ururka Midawga Africa AU ayaa El khassim ku yiri: Ka tag Mali, waxaa tahay Basaas u shaqeeyo Faransiiska.
El khassim waxaa ka wanaagsanaa wakiilkii SRSG ee Dalka Mali joogay oo El khassim ka horeeyay Mr.Annadif khatir Mahamat Salah uu ka soo jeeday Dalka Chad. El khassimi waxaa kale oo faransiiska la riixayo Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda ee Somalida oo aan weli wareejin Xilkii uu u hayay Dowladii hore.

Hore Faransiisku waxa ey Somaliya u ololeeyeen in xil loo magacaabo Mr. Souef oo u dhasahay Wadamada Francophone kaa oo laga dhigay Madaxa Howlgalka ATMIS ee Somaliya, waana ku guuleysteen oo Hadda waa noo joogaa. waxa uuna isaga laftiisu ku soo Fashilmay Howlgalkii Mali Mission.

Hadda ingriisku waxa uu raadinayaa Saddax musharax oo kale oo El khassim bedelkiisa laga dhigo, in kasta oo uu jiro Dadaalka faransiiska iyo Dowladda Somalida oo Doorkiidii sharciga ahaan aan ka qaadan

in Laba Nin oo faransiisku wato ey isku soo raacaan Somaliya waxaa loo arkaa Af gambi Faransiisku sameeynayo, waxa eyna hoos u dhigi doontaa kaalinta deeq bixiyayaasha kale .

In aad Raadiso xogta waxa wadankaaga ku soo socdo ma xumo. Alla ha na mootiyo wixii dhib noogu jiro. Bal aan sugno loolankaa wixii ka soo baxo.

Waxaan kula talin lahaa Dowladda Somalidu in ey raadsato Shakhsi Sumcad leh kana socdo wadamada Awooda leh, wax badanna ka yaqaan Somaliya.

FG: wixii ka khaldan ka sax wixii ka dhimanna ku dar

Qore: Yahya Amir