4 mins read

Sarkaalka Joogo Bar konotrol, waxa uu ka dakhli badan yahay Wasiirka.. =Nasashada Jimcaha. Q-331=

1. Nin ayaa Habeen kasta Gurigiisa imaan jiray Habeen barkii kadib, xaaskiisu waxa ey Cuntada u dhigi jirtay Kushiinka waana iska seexan jirtay. Isaguna marka uu soo Cuno ayuu seexan jiray. Xaaskii ayaa ka shakisay halka uu ku soo daaho Habeen kasta. Kushiinka ayeey u dhigtay Cashadaan ( F.S: 1aad)

Markii uu arkay ayuu yiri: walaahi Xaaskeygu waa i jeceshahay, cashadeyda waxa ey ka dhigatay Khudaar, Horaa dhakhtarku ii yiri: Khudaarta badso.

Siduu u fahmay sax miyaa?. Adiguna sideed u fahamtay.

( Raggoow, Haweeku inta eynana Tilaab qaadin, Digniin ayey bixiyaan ee wax fahma).

2. Wakhtigii Xukuumaddii NN ayaa Odayaal isku Beel ah ayaa waxa ey tageen Madaxtooyada. Madaxweynihii ayaa lagu yiri: waxaa kuu joogo Odayaashii Reer Hebel oo dhan.
Waxa uu yiri: Maanta Wasiir ama Safiir in loo magacaabo miyey rabaan?. Arrintooda waa in la fuliyaa, cabasho hore ayeey qabeene.
Odayaashii ayaa Madaxweynihii ku yiri: waxaan rabnaa in Sarkaal laga bedelay Isbaaro “Check point” in loo soo celiyo Booskiisii
Madaxweynihii ayaa yiri: “Check point” kaa ka fiican ayaan idiin geeynayaa Sarkaalka.( F.S: 2aad)

( Sarkaalka Joogo Bar konotrol, waxa uu ka dakhli badan yahay Wasiirka, waxa uu bixiyaa Biilka Odayaasha. Qaaraanka iyo Goglaha Beeshu dhigtana isagaa lala kaashadaa)

3. Wiil yar iyo Aabihii oo wada qubeeysanayo ayaa wiilkii Saabuuntii ku Simbiririxday, isaga oo dhici rabo ayuu qabsaday Geedkii Aabihii.Aabihii ayaa yiri: Maanta haddii aad Hooyo la qubeysan leheyd waad Jajabi leheyd.( F.S: 3aad)

( Oday Macawisley ahaa, oo la Howl dagaal la galay Ciidamada Danab ayaa yiri: Maanta hadaan la howl gali laheyn Istaafyada Madaxda Maamul gobaleedyada waan jajabi lehryn)

4. Nin ayaa Dad uga sheekeeyay Sheeko Qosol badan, weeyna ku wada qosleen sheekadii, Mar kale ayuu ku celiyay Dadkii nuskood oo kaliya ayaa ku qoslay, mar Sadaxaad ayuu ku celiyay, Cidna kuma qoslin.

( Nin Siyaasi ah ayaa Dadkii wax u ballan qaaday, wey ku wada farxeen. Muddo kadib ayuu ku celiyay, Dadkii Bar ayaa ku faraxay. Kar kale ayuu ku celiyay Ballantii Cidina kuma farxin)

5. Wiil ayaa tagay Farmashi, waxa uu yiri: waxaan Rabaa Baakad Condom ah, waxaa lagu yiri: Baakadaha qaar waxaa ku jiro 3 xabo, qaarna 6 Xabo, qaarna 12 Xabo. Waxa uu yiri: Kan 12ka ah isii. Caawa waxaan la balansanahay Gabar igu tiri: Aad ayaan kuugu kululahay Caawa ee iigu imaad Guriga Reerkeyga. waxaa eyna i baree Waalidkeed, kadibna waan isa soo raaceynaa. 12kii Xabo ayuu soo gatay.

Barafuun ayaa ka soo iibiyay Dukaan, islaantii Dukaanka joogatay ayuu si kaftan ah ugu yiri: Barafuun fiican isii Too urtooy ah ayaan Hadiyad uga dhigaa. Taxi ayuu soo qaatay, Taxsiilihii ayuu ku yiri: war iga gaarsii Caawa too Saaxiibteey ah ayaan rabaa in aan siiyo Darsi ey ku hilmaanto Gurigooda iyo walaalaheed.
Markii Gurigii uu tagay ee Miiskii Cashada la wada fadhiyo si loo baro Gabadha qoykeeda ayuu arkay in Walaalkeed uu yahay Taxi-lihii, Hooyadeedna ey tahay Tii Barafuunka uu ka soo iibsaday. Aabihiina waxa uu noqday Ninkii Farmashiyaha.

( Siyaasiyiintu yeeyna Sirtooda u wada sheegin kuwa ey u yaqaaniin wadamada Saaxiibadda Somalida la ah. Yeeyna berri kugu noqon Kii Faramashiyaha, waa iga Talo ).

6.Gabar Talyaani ah iyo Gabar Somali ah ayaa wada dhiganayay Jaamacad ku taal Dalka Shiinha hal Qol ayeeyna wada deganaayeen. Waxa dharka ey u geeystaan Labadaanyo/ Doobile Jaamacadda dhaxdeeda ah. Gabadhii Talyaaniga ayaa ka shakisaycin Doobiluhu uuna si siman Kastuumoyonka ugu wada dhaqin, oo Tan Somalida uu aad ugu nadiifiyo. Si caro leh ayeey Shiineeskiibku tiri: Maxaad Aniga iyo Gabadha Somalida ah aad si siman noogu dhaqi weyday Kastuumooyinka?. Waxa uu ku yiri: Haddii aad Saxarooto, Tiish badan isticmaal ama sida gabadhaan Somalida ah, biyo isku nadiifi Saxarada kadib.

( Ar yaa yiri: Gaalaa naga nadaafad badan)

 

Qore: Yahya Amir