1 min read

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri Waxaa lagama maarmaan ah in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS “Waxaa lagama maarmaan ah in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekha Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Sheegay inay Muhiim tahay In Ahmiyad Gaar ah ay siiyaan Hay’adaha ay Qusayso Dib u Eegista Dastuurka Dalka sidii Loo dhamays Tiri lahaa.

Waxaa lagama maarmaan ah in dib-u-eegista dastuurka mudnaanta koowaad aan siino. Xubnaha Guddiga Dastuurka BJFS waxaa laga codsanayaa in si degdeg ah ay u doortaan guddoonkooda, maadaama Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay min 5 tii xubnood doorteen kalfadhigii 1aad” ayuu Yiri Gudoomiyuhu.

Sidookale Guddoomiye Sheekh aadan Ayaa Xukuumada Faray inay Soo Dhamays tiraan xubnaha kadhiman Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka

“Xukuumadda dhankeeda waxaa la farayaa in si deg-deg ah ay u soo dhameystirto xubnaha ka dhiman Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, si shaqada dib-u-eegista dastuurka ay u bilaabato.” Ayuu Hadalkiisa Kusoo Xiray. Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekha Aadan Madoobe.