1 min read

gabar Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Canada caro ka abuuray dalkaasi

Billowgii bishan ayaan la xaqiijiyay in gabar kamid ah dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi Canada ku nool oo lagu magacaabayay Hodan Xaashi, si ula kac ah loogu dilay mid kamid ah magaalooyinka dalkaas.

Soomaalida dalka Canada ayaa dalbanaya inay caddaalad hesho gabadhan Soomaaliyeed oo lagu dilay goob lagu caweeyo oo ku taallo magaalada Saskatoon ee dalkaasi Canada.

Qof ay Gacanta ku soo dhigeen Ciidamada ammaanka oo lagu eedeeyay dilka gabadhan ayaa dammaanad lagu sii daayay, taasoo ka careysiisay bulshada Soomaaliyeed ee halkaasi degan, kuwaasi oo hadda qorsheynaya dibad baxyo ay caddaalad ku dalbanayaan.

Allaha u naxariistee Hodan Xaashi, ayaa aheed gabar dhalin yara ah oo ku dhalatay magaalada Ottawa ee Caasimadda dalkaasi Canada.