1 min read

Kenya oo sheegtay inay adkeysay amniga Xabsiga Kamiti oo sanad kahor ay ka baxsadeen Maxaabiis.

Madaxa Xabsiga Kamiti John Warioba oo bixiyay Wareysi uu ku faah-faahiyay sanad kaddib waxa uu ka baddelay nidaamka ilaalinta Xabsigaas ayaa sheegay in uu ka shaqeeyay sidii loo ilaalin lahaa Maxaabiista ku xiran oo sanad kahor ay ka baxsadeen Dad ku eedeysan in ay katirsan yihiin AS.

John waxa uu sheegay in dhammaan dhismaha uu ku xiray Kaamirooyinka CCTV oo si joogta ah lagala socdo dhaqdhaqaaqa Maxaabiista ku xiran & askarta ilaalada ka ah oo November 2021 ay ka baxsadeen Rag ku eedeysan in ay katirsan yihiin AS.

Waxa aan xoogga saarnay sidii aan u ilaalin lahayn Maxaabiista ku xiran Kamiti oo rag kamid ah kuwa xiran ay ka baxsadeen 14kii November 2021kii, waxaa aan ku dhejinay Kaamirooyinka CCTV oo aan kala socono dhaqdhaqaaqa wax ka socda gudaha & bannaankiisaba” Sidaasi waxaa yiri Madaxa Xabsiga Kamiti.

John Warioba oo ah Madaxa Xabsiga Kamiti ayaa sheegay in la hubiyay awoodda & qaadka muuqaallada ay duubaan Kaamirooyinka CCTV loo yaqaan oo keydinaya xogaha oo had & jeer la heli karo haddii loo baahdo in dib loo daawado.

Muwaadiniin u dhashay Kenya oo ku eedeysan in ay katirsan yihiin AS isla markaana ay xukuntay Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi ayaa baxsaday sanadkii hore inkasta oo gacanta lagu soo dhigay dibna loogu celiyay xabsigii ay ka baxsadeen.