1 min read

Abaabulka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billaawday gobolka Bakool.

Waxaa degaanka Aato ee Gobolka Bakool ka bilaawday kulamo looga tashanayo howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, kaas oo ay yeesheen Saraakiisha Ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed & kuwa dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis.

Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka degaanka Aato ayaa ka arinsaday sidii degaannada gobolka bakool looga bilaabi lahaa howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, iyada oo dhowr jeer ay Al-Shabaab weerareen degaanka Aato ee gobolka Bakool.

Guddoomiyaha degaanka Aato Dubad Xasan Cali oo ka warbixiyay kulamada ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii Ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed & dadka degaanka  iyo kuwa dowlad degaanka ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in sidoo kale la diyaariyay ciidamo degaanka ah oo hubka qaatay , kuwaas oo ka qeyb qaadan doona xorreynta degaannada ku dhow dhow degaanka Aato iyo guud ahaan gobolka Bakool, sidoo kalena dhawaan degaanka ay soo gaari doonaan Ciidamo horleh.

Muddo hadda laga joogo Saddex bilood ayaa waxaa degaanka Aato ee Gobolka Bakool ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed , iyaga oo Al-Shabaab degaankaas ka dhigtay marin ay ka weeraraan dhulka dowlad degaanka Soomaalida.