1 min read

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dishay tiro badan oo Al -Shabaab ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay, in ka badan 200 oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab, ay ku laayeen tuulada Jicibow ee hoos tagta degmada Buula Burde, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda.

Wasiirka amniga Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, ayaa BBC-da u sheegay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa, inay qabsadaan deegaankaas oo ay ku sugan yihiin, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kadibna ay gooyaan wadada isku xirta Buula Burde iyo Beledweyne, oo dhawaan la furay.