1 min read

Jubbaland oo wadda abaabulka guluf ka dhan ah Al-Shabaab.

Maamulka deegaanka Gariley ee gobolka Gedo ayaa war ka soo saaray weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday deegaankaasi halkaasi oo ay ku dhinteen illaa 11 qof oo shacab ah iyo shaqaale ceel biyood halkaasi ka qodayeen.

Maamulka ayaa ugu baaqay shacabka deegaannadaas in ay u diyaargaroobaan weerar lagu qaado Al-Shabaab.

Dhanka kale, waxaa magaalada Kismaayo ka biloowday dhaqdhaaqyo ciidan oo ay wadaan mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland kuwaasi oo ku aadan sidii loo qaadi lahaa guluf ka dhan ah Al-Shabaab