1 min read

Ciidamada Danab oo howlgal ka fuliyey Buq-Aqable.

Ciidanka Kumaandoska Danab ayaa xalay hawlgal ka fuliyey degaanka Buq-Aqable ee gobalka Hiiraan oo ka mid ah meelaha ay Al-Shabaab ku xooggan yihiin, sida ay sheegtay idaacadda ciidnaka xoogga dalka.

Idaacadda ayaa sheegtay in ciidanku ay hawlgalkaas ku dileen 11 ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen goobo ay Al-Shabaab leeyihiin.

Ilo-wareed ku sugan degaanka ayaa VOA u sheegay in iska hormaad kooban uu ka dhacay duleedka Buq-Aqable ka hor intii aanu ciidamadu hawlgalka ku gelin Buq Aqable.

Degaanka Buq-Aqable ayaa qiyaastii 40 km dhanka galbeedka ka xigta degmada Buloburte ee gobalka Hiiraan.

Bartamahii bishan ayey aheed markii ay ciidamada Danab howlgal ay ka fuliyeen degaanka Buq-Aqable.

Taliyaha ciidamada xooga sarreeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta dowlada u sheegay in howlgalka ay ku dileen 18 ka mid ah malayshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada dowlada iyo kuwa degaanka ayaa kooxda Al-Shabaab ka qabsaday in ka badan kalabar dhulkii ay ka joogeen gobalka Hiiraan.