3 mins read

Weligaa, Xildhibaan siyaasadda Baadi ka ah, ma kuu booteeyay=Nasashada Jimcaha.Q- 323=

1.  Asgariga Dameerka Xambaarsan ma khaldano, Ciidamadu waxa ey dhax marayeen Beer Miino lagu aasay, waxa ey ka talaabsanateen halka ey ka shakiyaan. Laakin Dameerku haddii uu meel khalad ah ku istaago dhamaan Ciidamada yaa dhimanayo, Sidaa ayuu Dameerkii u xambaaray si uu u badnaadiyo Saaxiibadii. Asgarigu kuma khaldaneyn Wakhtigaa in uu Dameer Xambaaro. ( F.S: 1aad)

( Shacabku mar mar kuma khaldano in mid sheeganayo Madaxweyne,  Maamul Gobaleed ey Xambaaraan si loo badbaadiyo midnimada Shacabaka, laakin waxa ey ku khaldan yihiin in ey ku hilmaamaan dushooda haddii laga baxo Beerta Miinada oo weli Dameerkiina Dusha u saaran yahay)

2. Intii uu Gaarigiisa waday waxaa hagayay GPS. Saacado kadib Habeen barkii waxa uu GPS kii soo qoray “Reached your Final destination” waxaad gaartay halkii ugu dambeysay ee aad u socotay. Haddii uu dhinacyada fiiriyay maba ahan meel uu yaqaan. Waxa uu dhax taagan yahay Qabuuro ” Shimiteero” Dadka lagu aaso. ( F.S: 2aad)

( Ogow, waxaa jiro GPS kale oo aad ku safree oo aan aheyn kan Gaarigaaga ku xiran)

3. Baadari Talyaani ahaa ayaa loo bedelay Kaniisad ku taal Tuulo u dhaw Magaalda  Milano, markii uu Bus-kii ka degay ayuu la kulmay Haweeney Beeraleey ah oo aad u mashquulsan. Waxa uu ku yiri: Magaalada waan ku cusubahay ii tilmaan wadada loo maro kaniisadda.
Waxa ey ku tiri: isla wadadaan toos ugu soco, kadiban midig u leexo, isgooska markii aad tagto Bidix u leexo waxaad arkee kaniisadda.
Waxa uu ku yiri: Mahadsanid, Axadda imaad kaniisadda, waxaan Bixin doonaa Cashar ku saabsan Waddada loo maro Jannada. Waxa ey ku tiri: Mama mio,  waddada  Kaniisadda loo maraba ma taqaanid, sideed noo baree Waddada Jannada loo maro. ( F S: 3aad)

( Weligaa, Xildhibaan siyaasadda Baadi ka ah, ma kuu booteeyay wadada Siyaasad loo maro)

4. Oday John Geoge, ayaa qaliin lagu sameynayay, waxaa qalayay Wiilkiisa oo Dhakhtar ahaa. Odaygii ayaa markii la saaray Miiska qaliinka, Wiilkiisii ku yiri: wiilkeygoow taxadar, Qaliinku yuuna kaa  khaladamin. Haddii uu guuleysan waayo qaliinku. Hooyadaa waxa ey u soo wareegi doontaa Gurigaaga, waxa eyna la noolaa doontaa Adiga iyo Xaaskaaga.

( Hooyaddaa oo Gurigaaga kugula noolaato haddii ey Culeys kula tahay, waxaa kula fudud Dhagxaha Naarta oo ah Buuro Holcayo oo dusha lagaa saaro)

5. Farax ayaa yiri: Xaaskeeygu markii ey umusho waxaa umul bixin jiray Afar Gabdhood oo Saaxiibadeed ah, Afar sano marba mid ayaa Umul bixineysay. Maalin ayeey Casuuntay 4tii Gabdhood waxa eyna ku tiri: Ninkeegu kuma fiicno Sariirta. Mar qura ayeey Afartoodii wada yiraahdeen: kuguma raacsanin,  Taa been ayaad ku sheegtay. ( F.S: 4aad)

( Arimaha Qoyska Dadka loogama sheekeeyo, haddii kale Ceebeey tacaal)

6. Afar xabo oo Tufaax ah oo bedeshay Taariikhda Dunida.
1. Mid, Waxaa Cunay Nabi Adan CS waxaana looga soo saaray Janadda.
2. Mid, Waxa uu  ku soo Dul dhacay isaak Newton Caalimkii physics-ka, waxa uuna soo saaray “Law of gravity”, qaanuunka fisiska ee  is jiidashada.
3. Mid, Steve Paul Jobs, ayaa calamad uga dhigtay shirkadiisii “Apple” ee IPhone-ka Sameeyso. Dadkii ayuu ku mashquuliyay,  waxa uuna ka helay hanti badan.
4. Midna, Nin  Somaliya ayaa cunay.!!!!!!! ( F.S: 4-8aad)

Qore: Yahya Amir