1 min read

Qatar oo Soomaaliya iyo dalal kale ugu deeqday Malaayiin Dollar.

Qoraal lagu daabacay wakaaladda wararka ee dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in Qatar ayaa 12 milyan oo dollar ugu yaboohday gargaarka bini’aadantinimo ee wax looga qabanayo dalalka ku yaalla Geeska Afrika, halkaasi oo malaayiin qof ay wajahayaan macaluul, abaaro, cunto yari iyo nafaqo darro baahsan.

Ballanqaadkan ayaa la sameeyay Arbacadii intii lagu guda jiray khudbad uu ka jeediyay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Gobolka Dr. Mohammed bin Abdulaziz bin Saleh Al-Khulaifi ee Munaasabad looga hadlayay Wax ka qabashada baahiyaha bini’aadantinimo ee degdegga ah ee Geeska Afrika jira sida ay sheegtay Qatar News Agency.

Al-Khulaifi waxa uu sheegay in xaaladda Geeska Afrika ay u baahan tahay go’aanka joogtada ah ee beesha caalamka, iyo tallaabooyin degdeg ah oo lagu gaarsiinayo dadka baahida weyn u qaba gargaarka, yareynta khatarta iyo xoojinta adkeysiga dadweynaha.

Munaasabadda Qaramada Midoobay waxay ahayd fursad muhiim ah oo ay dalalku ku xaqiijinayaan taageerada hagar la’aanta ah ee ay siinayaan dalalka Geeska Afrika oo ay la halgamayaan daboolidda baahiyahooda aasaasiga ah, ayuu raaciyay Dr. Mohammed bin Abdulaziz bin Saleh Al-Khulaifi.

Sidoo kale, Qatar Fund for Development oo kaashanaysa Bisha Cas ee Qatar, ayaa billowday barnaamij laba sano ah oo lagu taageerayo dhinacyada caafimaadka, biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda Soomaaliya.

Al-Khulaifi ayaa intaa ku daray in Qatar Fund for Development ay Soomaaliya ka fulinayso mashaariic badan oo horumarineed oo ay ka mid yihiin kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo xoojinta dhaqaalaha, iyadoo la kaashanaysa hay’adaha Qatar.