1 min read

Shirka golaha loo-dhan-yahay ee Qaramada Midoobay oo New York ka furmay.

Waxaa magaalada New York haatan ka soconaya shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, iyadoo khudbaddiisii furitaanka uu Xoghayaha Guud ee Jamciyadda, Antonio Guterres, uu ka digay in dunida ay wajahayso jiilaal laga niyadjabo.

Colaadaha iyo gaajada ayaa ah waxa ugu badan ee laga walaacsan yahay, xilli hay’adaha gargaarka ay dalalka qaniga ah ugu baaqayaan inay soo afjaraan waxa ay ugu yeereen dhibaatada gaajada adduunka ee iska socota.

Duullaanka Ruushka uu ku galay waddanka Ukraine iyo dhibaatada cuntada ee caalamka ayey u badan tahay in xoogga lagu saari doono doodaha shirka.

Agaasimaha hay’adda Qaramada Midoobay ee ka warranta xasaradaha caalamka, Richard Gowan, ayaa waxa uu sheegay inay xaddidan tahay waxa ay Qaramada Midoobay qaban karto, hasayeeshee ay weli ciyaari karto dowr muhiim ah.