1 min read

Shir dhowaan dhacaya oo ay isugu imanayaan Soomaalida Itoobiya.

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya, ayaa shaaciyay in dabayaaqada toddobaadka dambe, in magaalada Jigjiga lagu qaban doono shirweynaha wadatashiga shacabka Deegaanka Soomaalida.

Guddiga qaban qaabada shirkan, ayaa sheegay in Sabtida iyo Axada soo socda la qaban doono shirkaas, oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah laguna wado inay ku kulmaan siyaasiyiinta kala afkaarta duwan.

Sidoo kale shirka, ayaa waxaa ka qeyb galaya hoggaanka dhaqanka, iyo shakhsiyaad kala matalaya dhammaan axsaabta siyaasadeed, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Weriyaha BBC-da ee magaalada Jigjiga, Ismaaciil Buurgaabo, ayaa shirkaasi iyo sida ay u arkaan ka wareystay Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen, oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Xorriyadda iyo Sinnaanta ee FEP.

Sheekh Ibraahim, ayaa sheegay in shirkan diyaarin tiisa ay qaadatey in muda ah, isagoo sheegay in guddiga qaban qaabinaya ay u soo gudbiyeen ajande la doonayo iney Soomaalida ka wada hadasho.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa carabka ku dhuftay in markii ay dhuuxeen waxa uu ka kooban yahay ajandaha ay ku qanceen, markaa kadibna ay aqbaleen iney ka qeyb galaan shirka dhowaan furmaya.