1 min read

Ururka Al-Shabaab ee Mozambique oo shirkado shidaal ku khasbay inay shaqada joojiyaan.

MAPUTO – Madaxweynaha dalka Mozambique Filipe Nyusi ayaa ugu baaqay shirkadaha shidaalka ee dalalka reer Galbeedka, inay dib u bilaabaan shaqadii ay ka hayeen gobolka Cabo Delgado, isaga oo sheegay in xaaladaha ammaanka ee agagaarka magaalada Palma inay soo hagaagayaan. Balse waxaa sii weli sii socda iska-hor imaadyo u dhexeeya ciidamada ammaanka ee dalkaas iyo kooxaha Islaamiyiinta ee gobolkaas ka dagaalama.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shir madaxeedka Gaasta iyo Tamarta ee ka dhacaya caasimadda Mozambique ee Maputo ayaa u xaqiijiyey maalgashadayaasha ajnebiga ah in xaaladda amni ee gobolka Cabo Delgado ee ay colaaduhu ka jireen inay haatan soo hagaagayaan.

Wuxuu sheegay in dadka deegaanku, inay dib ugu laabanayaan magaalada Palma iyo deegaanada kale oo ay hore uga carareen ka dib markii ay halkaas ka dhaceen weeraro argagixiso.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay weli gobolkaas ka jiraan weeraro ay qaadayaan kooxaha Islaamiyiinta ah, kuwaas oo weerarkoodii ugu dambeeyey ka geystay dhawr tuulo, halkaas oo ay qoorta ka jareen illaa lix qof oo u dhashay dalkaas, sidoo kalena waxay dileen qof u dhashay dalka Talyaaniga, halka ay saddex qof oo kalena ay afduubeen.

Xoogaga Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaas ayaa xidhiidh la leh kooxda dawladda islaamiga ah, iyaga oo isku magcaaba ‘al-Shabaab’, inkasta oo aanay xidhiidh toosa la lahayn ururka al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, balse waxay qaateen magacooda oo kale.

Bishii March ee 2021 shirkadda Total ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa hakisay shaqadii ay ka wadday gobolkan iyo weliba wershed qiimaheedu ku kacayey $20 bilyan oo dollar oo ay gobolkan ka wadday ka dib markii ay weeraradu bilaabmeen.

Xigasho:VOA