1 min read

Gudoomiye Madaale oo xilkii gudoomiyaha G/Banaadir iyo Duqa Muqdisho la wareegay.

MUQDISHO — Guddoomiyaha gobolka Benaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xalay si rasmi ah xilka ugala wareegay guddoomiyihii hore ee gobolka Cumar Filish, kadib xaflad ka dhacday xarunta Gobolka.

Waxa uu Yuusuf Madaale sheegay in amni darrada ka jirta gobolka ay tahay laba qeybood oo midi ay tahay weerarada Al-shabaab, halka kan kalena uu yahay ciyaal weerada.

“Haddii aysan bulshadu is garabsan amni ma imanayo” ayuu yiri Yuusuf Xuseen Jimcaale.


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddoodkii hore markii labaad Yuusuf Xuseen Jimcaale u magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Benaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho.

Qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee madaxtooyada markii Gudoomiyaha Cusub la magacaabayay ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu ka filayo duqa cusub inuu muhiimad gaar ah siiyo amniga iyo xasilloonida caasimadda, xoojinta wada-shaqaynta laammaha amniga iyo bulshada gobolka Banaadir, dib-u-heshiisiinta, bilicda iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Magacaabistiisa ayaa madaxtooyadu ku sheegtay in lagu saleeyay aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay, maaddaama uu xilkan horay u soo qabtay.