1 min read

Waxyaabaha looga hadlay Shirka maanta u furmay Madaxda Dowladda Federaalka iyo D/Goboleedyada.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo uu gudoominayay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, halka Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni uu kaga qeyb galay Aaladda Foggaan arraga.

Arrimaha shirkaan looga hadlayo ayaa  waxaa  ay kala yihiin arrimaha amniga gaar ahaan xoojinta dagaalka dhanka ah Al-shabaab, abaaraha ka jira dalka iyo wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.