1 min read

Madaxweyne ku xigeenka Midawga Yurub iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku kulmay.

MUQDISHO – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu halkaas safar ku tegey Josep Borrel oo ah madaxweyne ku xigeenka Midawga Yurub ahna diblomaasiga ugu sarreeya Midawga Yurub ee u qaabilsan siyaasadda arrimaha debedda iyo amniga.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne ku xigeenka Midawga Yurub Josep Borrel ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo taageerada Midawga Yurub ee Soomaaliya.

“Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey qorshaha dowladda ee xaslinta dalka, dib u dhiska ciidamada, abaaraha, ka hortaga macluusha, xoreynta deegaannada ay dadka Soomaaliyeed ku dhibaateynayaan argagixisada alshabaab iyo hirgelinta Soomaali heshiis ah, kana gudubta xaaladaha cakarin ee ka jira dalka.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne ku xigeenka Midawga Yurub ee qaabilsan siyaasadda arrimaha debedda iyo Amniga Josep Borrel inuu ku bogaadiyey madaxweyne Xasan Sheekh sida ay uga go’an tahay xal u helista caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan abaaraha iyo amni darrada.

“Soomaaliya ayaa ka codsatay Midoowga Yurub in ay gacan xooggan ka geystaan ka hortagga xaalufka deegaanka, hubka sharci darrada iyo jariifka badda Soomaaliyeed, iyadoo dib loo dardar gelinayo dhismaha Ciidamada Badda, si dowladdu ay u xakameyso xuduudaha badeed ee Jamhruuiyadda Federaalka Soomaaliya.” ayaa lagu soo gebagebeeyey warsaxaafadeedka ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee Soomaaliya.