1 min read

Shirka Wadatashiga DF iyo Dowlad Gobaleedyada oo berri ka furmaya Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa gudaha garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiiro ka tirsan XFS, xildhibaano ka tirsan labada gole, Masuuliyiin ka socday xafiisyada madaxweynaha iyo Kan Ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynaha Hirshabeelle aya ka qeybgalaya shirka wada tashiga ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaasi oo dhowaan ka furmaya Muqdisho.

Hore waxaa Muqdisho u soo gaaray Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Jubbaland, halka madaxda kalena ay ku soo wajahan yihiin.