1 min read

DFS oo soo bandhigtay Saraakiil ka soo goostay Al-Shabaab.

Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa soo bandhigay ayaa soo bandhigay laba nin oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen Saraakiik ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiiisha Ciidanka ayaa sheegay in labada ruux ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Galmudug ee ku sugan Koofurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha oo faah faahin ka bixiyay raggaan ayaa magacyadooda ku kala sheegay Xasan Nuur Daleel magaciisa afgarashadana uu yahay Sharmaake iyo Maxamed Nuur Xasan.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa tilmaamay raggaan ay xiriiro kala duwan la soo sameyeen Ciidanka, isla markaasna ay u soora gashay in ay ka baxsadaan Al-shaab.

Ma cadda xubnahan shaqooyinka ay ugu magacaabnaayeen Al-shabaab, Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudugna ma soo bandhigin howlaha ay qabteen raggaan.