1 min read

Golaha Ammaanka oo maanta kulan deg-deg ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya.

NEW YORK — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan xog-wareysi ah oo al-baabadu u xiran yihiin ka yeelan doonaan Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab, islamarkaana ay ka jiraan abaaro darran, ayada sidoo kale la saadaaliyey inay macluul ka dhici karto dhammaadka sanadka.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Fiona Lortan iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber ayaa golaha warbixin siin doona xaaladda Soomaaliya.