Si fiican u faham.Saddaxda Marxalad ee Qabiilku soo maray.
- Heerka kowaad: Wakhtigii Qabiilku deegaankiisu uu Miyiga ahaa, waxa uu lahaa qaab maamul oo Noloshiisa uu ku nidaamiyo, Sida: Summad u gaar ah oo Xoolahooda lagu aqoonsado, deegaan Daaq, Beero iyo Xarumo Waraab oo ey wada ilaashadaan.
Waxaa jiray Duub guud, Sida (Imaam, Ugaas, Suldaan, Garaad, Malaaq, Wabar, iwm), Raggaasi waxa ey u xisaabsanaayeen Xiriirka Beesha iyo Beelaha kale oo kaliya, iyo mar mar haddii Odayaasha ey ku adkaato Arramaha Gududuhu.
Arrimaha Gudaha ee Beesha waxaa u xilsaarnaa: Guurti, Nabadoon iyo Odayaal Ula Gudood ah, Akhyaar Talo.
Waxa kale oo ey laheyd Beeshu: Abaanduule, Suugaanley, Afhayeen, Warranlayaal dagaalama, Barbaar weyne iyo Haweenka oo Saldhig u ahaa Howlaha Miyiga oo dhan,
Intaa waxaa sii Raaca, Culimada oo meelaha qaar kaba sareeyo intaa oo dhan oo ahaa Marjac Diini ah, Dadka ayeey kala maslixi jireen, Diinta bari jireen, waxna u kala xukmi jireen, waxa ey lahaayeen Xer ey Dugsiyada wax ku baraan iyo ardayda Dugsiyada.
Dabayaaqadii Marxaladaan Qabiilkii ayaa Qarankii soo dhax galay, kadibna Qarankii dumiyay.
- Heerka Labaad: Qabiilkii Miyi iyo Magaalaba waxaa Awoodiisii la wareegay Hogaamiye kooxeed Hubeeysan iyo Ganacsade Reerka ah, Qabiilkii waxa uu sameystay Jabhad Dagaal, waxaana is bedelay kala dambeeyntii Qabiilka
- Heerka Saddexaad : Qabiilkii waxa uu yeeshay Maamul Gobaleed, Madaxweyne, Baarlamaan, wasiiro iyo Callan u gaar ah.
Waxaa kale oo ey yeesheen Jaamacdo, Idaacado, waxaa xilka u hayo Qurba joog, Wadaado, Jug soo dhacay, Ganacsato oo Afartuba ku cusub maamulka Qabiilka.
Isbedlka wakhtiga ayaa keenay, mana xumo in Qabiilku yeesho kaabayaal dhaqaale iyo xarumo wax barasho.
Laaakin Qabiilku ma joogo deegaankiisii Miyiga ahaa ee uu ku Qurux badanaa, Mana heysto Nidaam Dowli ah oo Casri ah oo is waafaji karo Dhaqankii Miyiga iyo Nolosha Magaalada, kuwaa oo farsamo la’aan aan la is waafaji karin, taasina waxa ey keentay in Jiilka cusub ee qabiilku ey dhumiyaan, Dhaqankii, Luuqadii iyo deegaankii qabiilka, dul saarna ku noqdaan deegaano Qabuila kale ama isla Qabiilka dhaxdiisa oo is riix riixo, taa oo keentay Colaado iyo is fiir fiir iyo aan si dhab ah eyna isku aamini karin Qabiiladu.
Taasi waxa ey keentay nidaam la’aanta maanta jirto, iyo in wax laga qaban waayo sida Abaaraha, Colaadaha, khilaafka Siyaasadda loona baahday Fara galin shisheeye aan Dani ugu jirin in uu Maslaxadaada ka shaqeeyo.
Ogow, Aduunyada isbedo joogta ahi waa ka dhacaan, in lala fal galana waa muhim, laakin waxaa loola falgalaa si wax ku aal ah iyada oo la dhowrayo Asalka muujinayo Diinta, Dhaqamada , Deegaanka, Taariikhda iyo Dadnimada Dadkaa.
Adiga Xalku muxuu kula yahay?
Qore: Yahya Amir