1 min read

Maxkamadda Ciidamada QS oo xukun dil iyo xabsi ah ku riday Saddex Askar.

Maxkamadda Ciidamada Sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday laba askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwaasi oo lagu soo eedeyay in ay si bareer ah u dileen dad rayid ah.

Labada Askari ayaa waxaa lagu kala magacaaba Guulleed Xamse Maxamed iyo Cabdiweli Jaamac Xersi oo labada ka wada tirsan Ciidanka Xoogga, kana howgalayay Gobolka Shabeellada hoose.

Askartani ayaa waxaa lagu helay in ay si bareer ah u dileen dhalinyarro Beeraha ka shaqeysa oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdiladiif Jiir & Cabdi Xasan Macalim Isxaaq, xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Maxkamadda ayaa labada nin ku xukuntay dil toogasho ah oo ah khisaasta marxuumiinta ay dileen.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa saddex sano oo xabsi Ciidan ah ku xukuntay Maxamed Isxaaq Guulleed oo xilligaasi wehliyay Askarta dilka geysatay.