1 min read

Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay dadka caddaalladda u raadsada Al-Shabaab.

Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa uga digay dadka inay caddaallad u raadsadaan Al Shabaab.

Taliyaha wuxuu shacabka ugu baaqay inay booliska kusoo wargeliyaan haddii ay dhacdo in looga yeero goobaha Shabaab.

“Ma ahan in la aado… ninkii baabuur ka ijaaro iyo kuwa u tega kuli kuwa dagaallamayo iyo dadkaas u adeegayo waa isku mid” ayuu yiri taliyaha booliska.

Taliyaha wuxuu intaa ku daray in ciidamada dowladda ay buruburiyeen maxkamad ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka Basra.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysaa kadib markii ciidamada Gor-Gor ay howlgal ka fuliyeen deegaanno hoostaga Shabeellaha Hoose.