1 min read

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka mas’uul ka socday QM kala hadlay abaarta taagan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadamnimada iyo gargaarka degdegga ah ee hay’adda OCHA Martin Griffiths.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Martin Griffiths qorsheyaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan wax ka qabashada arrimaha bani’aadamnimada ee ka dhashay saameynta abaaraha ka jira dalka iyo qeybo ka mid ah gobolka Geeska Afrika, taas oo u baahan in wax laga qabto.

ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadamnimada iyo gargaarka degdegga ah Martin Griffiths ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka caawin doonaan arrimaha mudnaanta u leh ee ku saabsan horumarinta iyo dadaallada wax looga qabanayo saameynta baahsan ee ka dhalatay abaarta.

Soomaaliya abaarta ka jirta ayaa saameyn adag ku yeellatay nolasha malaayiin qof ah oo u badan reer guuraa kuwaas oo markii ay xoolihii ku waayeen abaarta naftooda ula soo baxsaday magaalooyinka oo hadda ay ku haystaan dhibaatooyin kale.