1 min read

Khasaare ka dhashay madaafiic lagu garaacay qaybo ka mid ah xaafadaha Muqdisho.

Wararka laga helaayo degmooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in saddex qof ay ku dhinteen madaafiic lagu garaacay meel aan sidaas uga fogeyn madaxtooyada Soomaaliya. Tiro kale oo dad ah ayaa ku dhaawacantay madaafiicdaas.

Qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa tabiyay in ilaa iyo saddex madfac lagu garaacay subixii hore ee saaka degmooyinka Boondheere iyo Xamar-weyne.

Wararku waxay sheegayaan in madaafiic kale oo ku dhacday xaafado dad degganyihiin ay ku dhaawacmeen ilaa afar qof oo rayad ah . ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaan,balse dhowr jeer oo hore Shabaab ayaa madaafiic ku weeraray aagag muhiim ah oo ay ku yaallaan xaruumaha dowladda ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.