18 May, 2024
1 min read

Qarax laga soo buuxiyay Gaari xamuul oo lala beegsaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Gorgor.

Qarax loo adeegsaday gaari xamuul ayaa waxyar ka dib salaaddii Jimcaha maanta lagu weeraray saldhig ay si ku meel gaar ah u degan yahiin ciidamada Gargor oo ku yaalla degmada Jawiil ee waqooyiga magaalada Baledweyne. Gudoomiyaha degmada Jawiil Cabdulqaadir Cabdi Cabdullaahi, oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in gaariga uu ku qarxay iridda hore ee […]

1 min read

Shir looga hadlay amniga oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Siihayaha xilka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Durraan Axmed Faarax ayaa Guddoomiyay shir la xariira Amniga Garoonka Aden Cabdulle ee Muqdisho. Shirka waxaa kasoo qaybgalay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Agaasimaha Guud ee W.G.D.H Saraakiisha Amniga, Maamulka Garoonka iyo Masuuliyiin kale oo ka socday Hay’adaha ka hawlgala Garoonka Muqdisho, waxaana looga hadlay sidii kor […]

1 min read

Xasuustii Wariye Cali Muuse Cabdi iyo qaabkii uu wariyaal badan u soo gacan Qabtay.

Waxaa saakay dalka Talyaaniga ku geeriyooday Allaha u naxriistee Cali Muuse Cabdi oo ahaa saxafi ka soo shaqeeyay wakaalado badan iyo dhowr warbaahin oo kale oo ay BBC-du ka mid tahay. Cali Muuse waxaa uu in muddo ah ku xanuunsanaa dalkaasi Talyaaniga oo uu degganaa. Taariikhdiisa Cali Muuse ayaa la soo shaqeeyay warbaahinno badan oo […]

1 min read

Taliye cusub oo loo magacaabay Howlgalka AFRICOM oo ka howlgala Soomaaliya.

Taliska milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo magacooda AFRICOM ayaa yeelanaya taliye cusub laga bilaabo Talaadada soo socota. Taliyaha cusub ayaa lagu magacaabaa Jeneraal Michael Langley ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidmaada badda Maraykanka ee madow ah ee gaara darajada Jeneraalka afarta xiddigood leh. Aqalka Sanate-ka Maraykanka ayaa shalay ansixiyey […]

1 min read

Mareykanka oo ka noqday digniintii uu ka soo saaray doorashada Kenya.

Safaaradda Maraykanka ee Kenya ayaa ka laabatay digniin amni oo ay maanta u jeedisay shacabkeeda ku sugan magaalada Kisumu ee Galbeedka dalka Kenya, iyadoo sheegtay in si xun loo adeegsaday digniintaasi. Xili ay doorashada guud ee waddanka ay ka harsantahay muddo shan maalmood ah, ayay safaaraddu sheegtay in dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhasha doorashada […]

1 min read

Ciidamada Dowladda oo soo bandhigtay Hub ay ka qabsadeen Al-Shabaab.

Taliska Ciidanka Xoogga gaar ahaan kuwa ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa maanta soo bandhigay hub ay sheegeen in ay ka qabsadeen dagaalameyaasha Al-shabaab. Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa hubkaan ku soo bandhigay degmada Matabaan, kaasi oo ay sheegeen in ay ku soo qabsadeen dagaalkii shalay ay kula galeen Al-shabaab deegaanka Bukure ee hoos yimaada degmada Maxaas […]

1 min read

Baarlamaanka Hirshabelle oo meel mariyay Golaha Wasiirada cusub.

Waxaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe Xildhibaannada Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle. Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim luqmaan Xaaji Maxamed, waxaa hortegay Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedkaas, si Golaha ay u ansixiyaan, kuwaas oo uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen. Intaa […]

1 min read

Mareykanka oo hub ku kacaya $5 bilyan ka iibinaya Sacuudiga iyo Imaaraadka.

WASHINGTON — Dowladda Mareykanka ayaa Talaadadii ku dhowaaqday inay hab difaac gantaallo oo marka la isku geeyo qiimihiisu dhan yahay $5 bilyan ka iibineyso Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta. Ansixintan ayaa lagu dhowaaqday laba toddobaad kadib markii madaxweyne Joe Biden uu hoggaamiyeyaasha labada dal kula kulmay Sacuudi Carabiya oo uu ku tegay booqasho lagu xaoojinayey xiriirka […]