1 min read

RW Xamse oo kulan la yeeshay Maamulaha Bangiga Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson, oo ay ka wada hadleen wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo hey’adaha dowladda Federaalka.

Kristina waxay xog ka siisay Ra’iisul Wasaaraha, howlaha kala duwan ee dhinaca horumarinta ee Bangiga Adduunku ka wado Soomaaliya – gaar ahaan dadaalka iyo gacanta ay ka geysanayaan gurmad abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay taageerada Bangiga Adduunku siinayay Soomaaliya, isaga oo ku dhiirigeliyay inay si dhaw ula shaqeeyaan hey’adaha dowladda – iyaga oo howshooda ku saleynaya qorshooyinka ahmiyadda u leh xukuumadda.