1 min read

Ciidamada Dowladda oo Howlgallo ka sameeyey Gobolka Sh/ Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka Gaar ahaan Ururada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-October ee Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS qeybtooda Janaale ayaa howlgalo culus waxa ka ay ka sameeyeen uulooyinka Cabananey.

Beeraha baay. Siigaale. Malable iyo Buulo aruundi oo dhamaantood hoostaga Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka Sameeyeen.

Ciidamada waxaa ay jab Xooggan Gaarsiiyeen xunbo ka tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Ciidamada Dowladda.

Taliyaha Ururka 84-aad, Guutada 14-October L/Xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo Howlgalka Hogaaminayay waxaa uu warbaahinta  uxaqiijiyay howlgalka intuu socday inay ku Guuleysteen soo saarista Miinooyin ay Al-Shabaab ku Aaseen waddo isku xirta Deegaanada Buufow Bacaad iyo Janaale.

Taliyaha ayaa tilmaamay inay Al-Shabaab doonayeen inay shacabka ku gumaadaan sida uu ku sheegay Qoraal lagu baahiyay baraha Ciidamada Dowladda ay ku layihiin Barta Facebook.