1 min read

RW Xamse iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka qaybgalaya shirka Caalamiga ah ee Japan iyo Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxa soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Tuniisiya, Imed Memmich iyo masuuliyiin kale, waxaana Ra’iisul Wasaaraha socdaalka ku wehlinaya qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalay shirka Caalamiga ah ee Japan iyo Afrika ee la yiraahdo TICAD – oo saaka ka furmaya caasimadda Tunis, ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee xafiiska ra’iisal wasaaraha