1 min read

Xaliima Yarey oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Guud ee Ururka Gudddiyada Doorashooyinka dalalka Carabta.

Guddoomiyaha GMDQ oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Guud ee Ururka Gudddiyada Doorashooyinka Carbeed.

Shirweynaha shanaad ee Golaha Guud ee Guddiyada Doorashooyinka Carbeed oo lagu qabtay magaalada Cammaan ee dalka Urdun Aug 22, 2022 ayaa waxaa gudoomiyaha ururka loo doortay Marwo Xaliimo Ismaaciil, guddoomiyaha GMDQ. Iyada oo uu weheliyo komishineer Xuseen Cabdi, ayaa wafdiga GMDQ uu ka qayb galay shirkaas oo labadii sanaba mar la qabto.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb gala guddoomiyaasha iyo xubnaha Guddiyada Doorashada ee wadamada carabta. Inta uu socday shirkan, waxaa dib u eegis lagu sameeyay dadaallada lagu yagleelayo ururka dhalinyarada Carabta ee doorashooyinka iyo hawlaha hor-tebinta u leh mustaqbalka dhow. Iyadoo sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadyadii ugu muhiimsanaa ee ururka haweenka carabta ay ka gaareen doorashooyinka.
Sidoo kale waxaa shirka lagu ansixiyay warbixin sannadeedka ururka iyo guddiga qabanqaabada doorashada ururka dhalinyarada Carabta.