1 min read

Dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriisks oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta kulan la yeeshay danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka Wasiirka iyo Safiirka Dowladda UK ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga  iskaashiga xasilinta Amniga deegaanada laga xureeya kooxaha Al-shabaab, sida lagu yiri qoraal lagu daabacay Bogga Facebooka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ahmed Macallim Fiqi iyo danjiraha Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Kate Foster ayaa kulankooda diiradda ku sii saaray wax ka qabashada abaaraha dalka jira iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Danjiraha Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Kate Foster ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u yihiin in dowladda Soomaaliya  kala shaqeeyaan sugida Amniga iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Dowladda Ingiriiska ayaa Soomaaliya horay ugu deeqday lacag dhan 2.7 Milyan oo doolar taas oo lagu taageerayo dhismaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya, ka dib kulan ay wada yeesheen 18 Augusta 2022-ka Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur & Saiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya.

Boqortooyada UK ayaa Soomaaliya ka taaeerta dhinaca Amniga, waxa ayna Xerooyin lagu tababaro Ciidamada dowladda ka hirgelisay Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ka soo baxeyn in ka badan 2000 Askari oo qeyb ka ah Ciidanka Xoogga Dalka.