1 min read

Ciidamada GorGor oo sheegay inay dileen Saraakiil & maleesjiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka ururka Saddexaad ee Kumaandooska Gor Gor Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliye degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada sigaar ah waxaa ay uga fuliyeen degaannada kala ah, Bacda Buunda,Quulaale Gaalfuul iyo Coomaad oo katirsan gobolka hiiraan , waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay uu ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka Saddexaad ee Kumaandooska Gor Gor Dhamme Jamaal Cilmi Aadan  oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka ay ku dileen in ka badan 60 Xubnood  iyo Saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dhamme Jamaal ayaa sidoo kale sheegay in ay soo saareen Miinooyiin ay Al-Shabaab  ku aaseen wadooyinka ay isticmalaan dadka Shacabka ee kuyaalla degaannda ay howlgalka ka fuliyeen.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo taageeraya maleeshiyaadka macawiisleyda waxaa ay howlgallo ka wadeen degaano hoostaga degmooyinka Matabaan & Maxaas ee gobolka Hiiraan, iyaga oo la wareegay degaano dhowr ah.