3 mins read

Rasaas weli laga maqlayo gudaha hoteel Xayaat oo ay xalay Al-Shabaab weerartay.

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay weli gudaha hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho kula dagaallamayaan ciidamo hubeysan oo xalay fiidkii weerar ku soo qaaday hoteelka.

In ka badan 10 saacadood ayey ciidamadda dowladda kula dagaalamayaan kooxdan oo aan tiradooda la sheegin iyadoo rasaas goos goos ah weli laga maqlayo gudaha Hayat Hotel.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaya inay soo gabagabeeyaan weerarka.

Wararku ayaa waxa ay sidoo kale tibaaxayaan in ay dableydii weerarka soo qaadday ay weli ku jiraan  dabaqa sare ee hoteelka.

Ciidamada amniga ayaa sheegay in in ka badan 10 qof ay ka dileen kooxda Al-shabaab ee weerarka ku ekeeysay hoteelka.

Dhanka kale gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ayaa BBC-da u sheegay inay ilaa 20 qof ay ilaa xalay geeyeen isbitaalada kala duwan ee magaalada.

Dadka ay eheladooda ka maqan yihiin ayaa ku wareegaya isbitaalada iyagoo raadinaya dhaawaca ama meydka dadkoodii la sheegay inay ku jireen gudaha hoteelka markii uu weerarka dhacayay.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay la wareegeen hotelka oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Sidee ayuu ku bilowday weerarka?

Booliska ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay labo walxaha qarxa ku qarxiyeen banaanka hotelka, ka hor inta aysan gudaha u galin dhismaha oo ay rasaas ku furin.

War qoraal ah oo ay soo saartay kooxda islaamiga ah ayay ku sheegtay in ay gacanta ku hayso dhismahaas oo ay sheegtay in ay “tooganayaan qof walba”.

Xayaat ayaa la sheegay in ay tahay goob caan ah oo ay ku kulmaan shaqaalaha dowladda federaalka.

dhowr iyo taban qof ayaa ku dhaawacantay oo laga soo qaaday hoteelka, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Aamin ee Muqdisho, Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.

Sawirro aan la xaqiijin oo ku wareegayay baraha bulshada ayaa u muuqday kuwo muujinaya qiiq ka baxayay hoteelka iyadoo qeylo iyo jug xooggan la maqlayay.

“Laba qarax oo baabuur loo adeegsaday ayaa lala beegsaday Hoteel Xayaat,” ayuu sarkaal booliis ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ku dhacay dhufeysyo u dhow hotelka, halka kan kalana uu ku dhacay albaabka hoteelka, waxaan aaminsanahay in dagaalyahanada ay ku jiraan gudaha hoteelka,” ayuu yiri sarkaalka.

Waxaa sidoo kale jira warar aan ilo madax bannaan laga xaqiijin oo sarkaal boolis ah laga soo xigtay ayaa sheegaya inuu jiro qarax saddexaad – oo uu fuliyay qof walxaha qarxa isku soo rakibay kaas oo lala beegsaday ciidan gurmad ahaa oo ka qayb gali rabay howlgalka.

Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa dagaal muddo dheer soo jiitamayay kula jirta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kooxdan ayaa ka talisa inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya balse waxaa u suurtagashay in ay awoodooda ku fidiyaan goobaha ay ka taliso dowladda fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Todobaadyadii la soo dhaafay dagaalyahanno xiriir la leh kooxda ayaa sidoo kale weerarro ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo sare u qaadday welwelka laga qabo istaraatiijiyad cusub oo ay Al-Shabaab la timaaddo.

Weerarkan dhacay fiidnimadii Jimcaha  ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay kooxdu ka geysato caasimadda tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud 15-kii bishii May.

Xigasho:BBCSomali