1 min read

Faah faahin kasoo baxday khasaaraha weerarka Shabaab ee wali kasocda hotel Xayaat.

Aggaasimaha isbitaalka Madiina, Dr Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac, (Dr. Burtuqal), ayaa ka hadlay dhaawacyada lasoo gaarsiiyay, kadib weerarkii xalay illaa iyo maanta ee hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Dr Burtuqal, ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyey dhaaawacyo gaaraya illaa iyo afartan qof, iyadoo 31 kamid ah la seexiyey isbitaalka, halka 9 kalana markii daryeel loo fidiyey laga saarey isbitaalka.

31-ka dhaawaca ah, ayaa waxaa aad u daran, sida uu dhakhtarku sheegay 5 kamid ah, iyadoo dhaawacoodu uu yahay mid gaarey xididada.

Isagoo hadalka sii wata, Dr Burtugal, ayaa carabka ku dhuftay in 26-ka kale ee dhaawacyada inay yihiin nooca firirka.

Dhaawacyada gaaraya afartanka, ayaa lix kamid ah waxay yihiin caruur, mid kamid ah ayaa isibtaalka jiifa, halka shantii kalana la saarey oo lagu celiyey guryahooda.

Shanta dhaawac oo ah kuwa aadka ugu daran, ayaa laba kamid ah waxey yihiin dumar. Inta badan dhaawacyada, ayaa waxey yihiin kuwo qarax, halkana rasaastu ay yar tahay.