1 min read

Keenyaanka oo walaac ka muujiyey dibu dhaca ku yimid natiijada doorashada.

Shacabka Kenya, ayaa walaac ka muujiyay hannaanka gaabiska ah ee ay ku socoto tirinta codadka doorashadii dalkan ka dhacday Talaadadii.

Waxaa la filayay in shalay la shaaciyo natiijada rasmiga ah iyo madaxweynaha cusub ee Kenya.

Dhanka kale, guddiga doorashooyinka Kenya ayaa sheegay in la la’ yahay mid kamid ah mas’uuliyiintiisa u qaabilsan deegaan ka tirsan caasimadda Nairobi.

Talaadadii lasoo dhaafey, ayaa waxaa dalka Kenya ka qabsoomay doorasho guud, iyadoo natiijada kama danbeynta ku dhawaaqisteeda la filayo maanta.