2 mins read

Weligaa Qof ha liidin !!! =Nasashada Jimcaha.Q- 317=

Wiil ayaa Hooyadii ku yiri: ii duceey. waxa ey ku tiri: Allaah ha ku siiyo Guri aan kiro aheyn, Habeenkii aan Tuug kuu soo galeyn, Ilaalo Habeen iyo Maalin kuu ilaaliso Guriga aad degan tahay, Cunta aadan soo iibsan oo aad Cunto, Dhakhtar Lacag la’aan ah.

Aamiin ayuu yiri, Ducadii Alla waa u aqbalay. Saaxiibkaa hadda waxa uu ku jiraa Xabsiga dhexe.( F.S:1aad)

( Duco waalid ma xumaato, In Xabsigu Badbaado u ahaa ayaa dhici karto ee Duco Siyaasi Aamiinteeda iska Hubso)

  1. Dameer ayaa ku Bakhtiyaya Masjidka hortiisa. Imaamkii Masjidka ayaa la xiriiray Waaxda Caafimaadka ee Degmada, waxa uuna ku yiri: waxaan idinka Codsanaa in Masjidka hortiisa laga qaado Dameerkaan Bakhtiyay inta uuna dildilaacin oo uuna wax u dhimin Caafimaadka Bulshada.

Agaasimihii Caafimaadka oo liidayo, ayaa Imaamka ku yiri: Mayd Culimadaa ku shaqo leh ee maad Maydka Dhaqdaan oo aad karfantaan. Imaamnkii ayaa yiri: Waa runtaa ee marka hore sow ma ahan in Meydka qaraabadiisa lala xiriiro oo ey ogolaadaan. ( F.S: 2aad)

( Weligaa Qof ha liidin )

  1. Gabar ayaa Hooyadeed Dhibtay. Hooyadii ayaa ku tiri: iga tag lagu sii qaadyee. Gabadhii ayaa tiri: Aamiin, waaba doonayay Nin Qurbaha ii sii qaado.( F.S: 3aad)

( Qurba joogeey kuwa aad Dibadda u qaadeen ameey ahaayeen kuwo, Habaarkii waalidkood Aamiinsaday)

  1. Wiil ayaa looga maara waayay in uu Gabdhaha daba cararo Habeen iyo maalinba shukaansi. Wiilkii markii uu 20 jir gaaray ayuu tacbaan noqday. Dhakhtar ayaa loo geeyay. Waxa uuna yiri: Wiilkaan hala geeyo meel uuna ku arkeeyn Haween. Waxaa loo geeyay Abtigii oo Baadiyo joogo, dhowr bilood markii uu joogay uuna soo kabsaday isaga oo baadiyaha dhibsanaa ayuu arkay .Orgay dhowr Ceesaamood marba mid ku boodaayo, markaa ayuu ku yiri: war joog Orgiyoow, intaan Abtigaa laguu geeyn.( F.S: 4aad)

( war Dhaliyarooy, Tii Alla kuu calfay ku ekaaw, intaan Abtigaa laguu geeyn)

  1. Laba wiil oo Reer Marko ah ayaa iyaga oo marayo Ceelgaabta Xamar weyne ayaa waxaa bilaabatay is Rasaaseeyn, midba luuq ayuu ku cararay. Markii Rasaastii joogsatay ayaa mid banaanka u soo baxay waxa uu waayay Saaxiibkii, waxa uuna is yiri: Amuu dhintay. Talefonkiisii ayuu ka wacay. Waxa uuna ku yiri: luuqeed ku jirtaa? kii kale ayaa ku yiri: War Luuq kuma jiro, Hadaan Baar Ismaciil Afgoi ka laabtay, wadadii Marko ayaan ku Toosay.

( Weli inta Qarax dhacay Subixii. Galabtii ma wacday Saaxiibkaa oo ahaa Agaasime Qurba jooga ah ee Ma ku yiri: Turkey ayaa Transit ku sii ahay, Hal Boorso ayaan soo qaatay ) ( F.S: 5aad)

  1. Siyaasi ayaa ku soo caariyay Xeebta Liido……………………..

( No Comment )

Qore: Yahya Amir