1 min read

RW Soomaaliya oo ka hadlay muranka siyaasadeed ee xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland.

Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa baaq nabadeed u diray mas’uuliyiinta jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland oo maalmahaan uu ka dhex taaganyahay muran dhanka siyaasadda ah.

Xamse Cabdi Barre ayaa ku booriyay xukuumadda iyo mucaaradka inay ilaaliyaan nabadda iyo xasiloonida.

“Walaalayaal mar walba waxaad astaan u ahaydeen domiqueaadiyadda iyo inaad xilka si nabad ah ugu kala wareegtaan, Waxaan idiin kugu baaqayaa inaad ilaashataan Nabadda iyo kala danbeynta uu Alle idin siiyay iyo xasiloonida iyo maamul wanaagga aad muddo dheer soo dhisayseen.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan dhinacyada in wixii tabasho ah oo jira lagu xalliyo wadahadal. Rabshado shalay ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliland kana dhashay muddaharaadyo ay dhigayeen mucaaradku ayaa waxaa ku dhintay dhowr qof oo kalana way ku dhaawcmeen.