1 min read

Dagaal dhexmaray Soomaalida & Canfarta oo khasaaro ka dhashay.

Maleeshiyaad iyo Ciidamo katirsan Maamulka Canfarta ee dalka Iroobiya ayaa weerar ku qaaday dad Shacab Somaali ah oo degan Galbeedka Gobolka Siti Gaar ahaan Magaalada cundhufo iyo Nawaaxigeeda.

Dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dhexmaray maleeshiyaadka canfarta oo kamid ah qowmiyadaha Itoobiya iyo dadka degaannada ay weerareen oo hubka u qaatay inay iska difaacaan.

Wararka la helay ayaa sheegaya in sidoo kale weerar kale uu ka dhacay Magaalada dan lahelay, waxaana dagaalada labada dhinac inta la xaqiijiyay ku geeriyooday ku dhawaad 10 Ruux tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in maleeshoyaadka Canfarta ay gubernatorial guryo ay deganaayeen dad Shacab ah, waxaana dagaalka ku biiray oo dadla Shacabka ah difaacayay ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida, iyaga oo maleesgoyaadks canfarta ka saaray goobihii ay soo weerareen.