3 mins read

Hayeey, Xil wareejinta iska hubi.

Marka aad Qof Xil kala wareegee iska hubi sida wax yihiin inta aadan Xilka la wareegin.

Maaliyadda.

Miisaaniyadda Dalka ee 2022 haddii aan soo qaadano Tirada Million- ka ah oo jajabka aan dib u dhigano.

waxaad isleedahay Dadka Miisaaniyadda Dajiyay kama fekerin miyaa Xaaladda dhabta ah, mise waa meelaha Banaan buuxi.kuwa Ansixiyayna ma Akhrin miyaa?.

Miisaaniyadda Halkii laga Ansixin lahaa Bisha January 2022 , waxaa la ansixiyay 6 Billood kadib, iyada oo la leeyahay 6daa Bil waaba la isticmaalay ansixin la’aan.

dhinaca kale, waxaa ku qoran Dakhligii 2020 waxa uu ahaa $496 Million , sanadkii 2021 waxa uu ahaa $ 376 Million. waxaa la yaab leh Snadka 2022 waxa uu noqonayaa $ 907Million, waa koror ka badan 100%. Dowladuhu waxa ey ku faanaan in miisaaniyadoodu korortay 5%, 10%. weli Aduunka lama hayo Dowlad miisaaniyadeedu korortay 140%. xatta kuwa shidaalka helo, hal sano intaasi ma kororto, suura galna ma ahan.

kaba darane. Bishii December 2021 Dowladu waxa ey tiri: waxaan heeynaa oo diyaar ah Mushaarka shaqaalaha ee 6da Bilood ee soo socoto. fiiri isla sanadkii 2021 Dakhligu waxa uu ahaa $ 376.5 Million, kharajkuan waxa uu ahaa 459.8. dowladuu sanadkaa 2021waxa ey ku jirtaa hoos u dhac ama Lacag deyn ku ah oo dhan $- 83.3 Million. Haddii lagu leeyahay Xisaabxirka Dec.2021 deyn,haraa hoos u dhac intaa la eg,$-83.8 ayaa jiro, inety ka keentay Mushaarka 6da Bilood ee ugu horeyso 2022.
ogow waxaad,la wareege Miisaaniyad mala awaal ah oo maree bishii 7aad.

wasaardda kaluumeeysiga

Hayeey iska jir Badda Kaluun kuma harine, waxa jiro heshiisyo hore loo galay wasiiradii kaa horeeyay ey khidmadda heshiiska ey si shakhsi ah ugu soconee 10 ka sano ee soo socto, xatta hadduu Xilka ka tago oo account shakhsi ah loogu shubaa 10kaa sano.

Hayeey wasaaradda Gaashaan dhiga.

iska hubi, Saraakiil iyo asgar aan jirin oo mushaarkooda si toos ah loo bixiyo. waxa kale oo aad sugee 5000 Asgari oo Ertheria ka imaanee. iska hubi tirada halkaa la geeyey waa ka badan tahay 5000. ma dhici karto in 5000 tababar la geeyay ey intii soo wada noqdaan, qaar ayaa xanuun uga tagi karay, qaar ayaa ka baxsan karay, qaar ayaa dhiman karay ,qaar kalena waxaa la sheegaa in….. Iska hubi farqiga inta la qaaday iyo inta laguu keenay, iyagaaba kuu sheegi doono marka ey yimaadaan.

Hayeey wasaaradda Arr. Dibadda.

iska hubi,tirada Diplomaasiyiinta, Dadkii waxa ey wada wataan Document Deplomaasi Caruur iyo ciroole.

Hayeey Dowladda Hoose.

iska jirkee, Guryaha Magaalada waa laga hor marsaday Cashuurtii mustaqbalka iyada oo aan mudadii la Gaarin.

Hayeey Maamul Gobaleedyada.

iska Jirhee, Madaxweyne Maamul Gobaleed waxa uu noqday Hogaamiye Kooxeed Gobaleed cusub, is barbar dhig sifooyinka Hogaamiaya Kooxeedyadii hore ee Qabiilada iyo Hogaamiye Kooxeedyada Cusub ee Goballada.

Hayeey iska hubi,Xilka aad la wareegee, waa iga talo.

Hayeey, Kuwa kale iyo kuwa kalena waa jiraan .

FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar Aragtidaada Xur ayaad u tahay.

Qore: Yahya Amir