1 min read

Kulan Lagu Taageerayay Golaha Wasiirada Magacaaban Oo Lagu Qabtay Muqdisho.

Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka magacaaban ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo Mudane Saalax Shariif Sayid Cali ayaa ka qeybgalay kulan taageero iyo kalsooni siin loogu raadinayay Golaha Wasiirada Magacaaban ee Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xildhibaannada kulanka ka soo qeybgalay ayaa isku raacay in ay codka kalsoonida siin doonaan Golaha Wasiirada Magacaaban.

Kulumadan ayaa qeyb ka ah dadaallo lagu doonayo in lagu meelmariyo Goloha Wasiirada Magacaaban kulanka Golaha Shacabka ee maalinimada beri ah loo madlan yahay.